Carruur isku qoys ah oo ku dhimatay dagaalka Beledxaawo

0
546

Wararka ayaa sheegaya in wali uu Dagaal ka socda degmada Beledxaawo ee Gobolka gedo, halkaas oo la sheegay in xalay saqdii dehxe ay weerar ku qaadeen Ciidamada jubbaland ee uu hoggaaminayo Wasiirka amniga Maamulkaas Cabdi Rashiid Janan.
Dagaalka oo markale saaka bilaawday ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana go’an isgaarsiinta degmada Beled-xaawo, iyadoo dadka badi ay bilaabeen inay barakacaan.
Qaar kamid ah dadka ku nool degmada Beledxaawo warbahainta gudaha waxay u sheegeen sheegeen in tiro hoobiyeyaal ah oo laga soo riday dhinaca Magaalada Mandheera ay kusoo dhaceen Gudaha Magaalada Beledxaawo.
Wararka la helay ayaa waxaay intaas ku darayaan in Hoobiye ku dhacay Guri ku yaal degmada Beled-xawo ay ku dhinteen 5 Carruur ah oo isku Qoys ah.
Sidoo kale Aabaha dhalay Carruurtaan oo lagu Magacaabo Cabdiwali Turmaag Maxamed, ayaa la sheegayaa inuu ka badbaaday dhacdadaasi.
Xaaladda degmada Beledxaawo ee gobolka gedo ayaa kacsan, waxaana dagaalka guulo ka kala sheegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here