Wararka ka imaanaya Gobolka gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan ay xalay saqdii dhexe weerar ku qaadeen Degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Dadka degmada ayaa ku watramay in dagaal culus uu ka dhacay Gudaha degmada Beled-Xaawo, waxaana warar soo baxay ay sheegayeen in Ciidamada Jubbaland ee weeraray Magaalada ay la wareegeen meelo kamid ah degmada.
Wararka la helay ayaa Tilmaamaya in meelaha ciidamada Jubbaland ay la wareegeen ay kamid yihiin Dabaqa shirkadda hormuud,meel u dhow saldhigga Beled-Xaawo, iyo kastamka.
Dagaal ayaa saaka markale ka bilaawday degmada Beled-xaawo, waxana la sheegay in isgaarsiinta Magaalada ay go’an tahay, balse uu ka socdo dagaal labada dhinac u dhexeeya sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya Baahinayso.
Sidoo kale warbaahinta Soomaaliya ayaa Qoraysa in Khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu labada dhinac soo kala Gaaray, waxaana dadka degmada qaarkood ay bilaabeen inay ka barakacaan Magaaladaasi.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalka ayaa cambaareysay, waxayna sheegtay in maleeshiyaad sida qoraalka dowladda Soomaaliya lagu sheegay ay hubeysan Kenya soo weerareen degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dube ayaa sheegay in Jabhad fallaago ah ay u soo tallaabeen xuduudda Soomaaliya ayna soo weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo. CXD ay si geesinimo leh isaga difaaceen waxa lagu Tilmaamay duulankaas sharci-darrada ah.