Burcad lagu dilay ismaamulka Meru

0
121

Hal qof oo burcadd ah ayaa toogasho lagu dilay xilli ay booliisku dib u soo heleen 45 neef oo lo’ ah iyo 2 dameer oo laga soo xaday tuulada Luthaya ee ismaamulka Meru.
Dhammaan xoolihii la xaday ayaa loo kaxeeyay saldhigga booliska ee Mutuati si loo aqoonsado dadkii lahaa sido kalena lagu wareejiyo.
Ciidamada booliska ayaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyay hawlgalada ka dhanka ah burcadda.
Dowladda ayaa horey u ballan qaadey in ay wax ka qaban doonto falalka burcadda.