Shan qof oo lagu qabtay iyaga oo wataan waxlaha qarxo

0
597

Waxaa maanta saraakiisha amniga ay gacanta ku soo dhigeen bas ay saarnaayeen waxlaha qarxo oo ku sii jeeday magaalada Meru.
Intii lagu guda jiray roondada caadiga ah ee waddada xiriirisa Kanyonyoo iyo Embu saraakiishaa ayaa qabteen kartoon ay ku qoran tahay astaanta caanaha.
Saraakiisha ayaa kartoonka ka helay bambada nooca ExpoGel V6 iyo waayaradii lagu qarxini lahaa.
Dhacdadan ayaa keentay in xabsiga loo taxaabo Lawrance Kioko Mutuku oo ahaa darawalkii baska iyo Said Rashid Amour oo ahaa kirishbooygii waxaana la geeyay saldhigga booliiska ee Kanyonyo.
Sida laga soo xigtay waaxda dambi baarista dalka ee (DCI), baaritaannada ayaa u horseeday dambi baarayaasha ka kala socday qaybta la dagaalanka argagaxisada (ATPU) iyo kuwa bambaanooyinka (BDU) inay gacanta ku soo dhigaan tuhmanaha ugu weyn oo lagu magacaabo Brenda Imboyanga Makhulungu oo laga soo qabtay tuulada Mundutsu ee ismaamulka Kakamega.
DCI-ta ayaa sidoo kale sheegtay in labo tuhmane oo kale, David Tindi Andala iyo John Kariuki Kung’u, laga soo qabtay magaalada Meru ka dib baaritaano dheeraad ah.
Eedeysanayaasha ayaa xabsiga ku jira iyagoo sugaya baaritaanno dheeri ah.