Madaxweyne William Ruto ayaa ka guddoomay guddiga turxaanbixinta guddoomiyayaasha IEBC warbixin ku saabsan qoritaanka xubnaha loo magacaabay xilalka guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC.
Guddigan oo uu guddoomiye u yahay Nelson Makanda, ayaa soo gabagabeeyay waraysigoodii 25-kii April ka dib markii ay wareysteen musharraxiinta guddoomiyaha guddiga iyo jagooyinka guddoomiyayaasha kale.
Sida uu sharcigu qabo guddiga turxaanbixinta ayaa laga rabaa in ay madaxweynaha u gudbiyaan magacyada labada musharax ee ugu cadcad xilka guddoomiyaha, kuwaas oo la filayo in mid ka mid ah uu u soo magacaabo si baarlamaanka uu u ansixiyo.
Sidoo kale, guddiga ayaa soo jeediyay sagaal magac oo loo magacaabayo jagooyinka guddoomiyayaasha kale ee IEBC, kuwaasoo uu madaxweynaha ka soo magacaabi doono lix qof si ay baarlamaanka u ansixiyaan.
Madaxweynaha ayaa guddiga ku bogaadiyay howsha wanaagsan ee ay qabteen.
Waxaa uu caddeeyay in uu gudan doono waajibaadkiisa dastuuriga ah, isagoo soo magacaabaya musharixiinta la soo xulay, magacyadoodana u gudbin doono Golaha Shacbiga si ay u soo baaraan.
Ruto ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo celiyo habsami u socodkii IEBC iyadoo aan dib loo dhigin, isagoo xusay in guddi doorasho oo la aamini karo oo howlgelisa ay lagama maarmaan u tahay xoojinta dimuqraadiyadda, ilaalinta sharciga iyo u diyaargarowga hannaanka doorasho ee mustaqbalka si ku habboon oo hufan.
11-musharax oo u taagan xilka guddoomiyaha ayaa wareysi lala yeeshay, waxaana ka mid ahaa madaxdii hore ee diiwangelinta garsoorka Anne Amadi iyo Guddoomiyihii hore ee fulinta dastuurka Charles Nyachae.
Dadka kale ee la tartamayey waxaa ka mid ahaa khubaro dhanka sharciga iyo maamulka ah sida Joy Mdivo, Jacob Ngwele Muvengei, Erastus Edung Ethekon, Francis Kakai Kissinger, Lilian Wanjiku Manegene, iyo Saul Simiyu Wasilwa.
Soo bandhigida warbixinta ayaa hadda u gogol xaareysa dib u habeynta guddiga IEBC, kaasoo maqnaanshihiisa ay hakad galiyeen dhowr hannaan oo doorasho oo muhiim ah, sida doorashooyinka dadban ee ka dhacay degaanno iyo degmooyin kala duwan iyo sidoo kale u diyaar garowga doorashada guud ee 2027-ka.
Home Wararka Kenya Madaxweyne Ruto oo guddiga turxaanbixinta guddoomiyayaasha IEBC ka guddomay warbixin