RSF-ta oo duqeyeen garoonka diyaaradaha ee Port Suudaan

0
328

Ciidamada militariga Suudaan ayaa sheegay in ciidamada sida militariga u tababaran ee RSF-ta ay weerareen saldhig ay leeyihiin ciidamada cirka iyo xarumo kale oo ku yaal agagaarka garoonka diyaaradaha ee Port Suudaan.
Ciidanka ayaa maanta sheegay in saldhiggan lala beegsaday diyaarad oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, sidoo kale bakhaar lagu kaydiyo xamuulka iyo qaar ka mid ah xarumaha rayidka, weerarkii ugu horeeyay oo ka dhacay bariga magaalada oo au geestaan RSF-ta.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jiro khasaare ka dhashay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaan oo duqeeyay goob lagu keydiyo rasaasta ee garoonkaas.