Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladaha qaarada Afrika in ay u abuuraan jawi ammaan ah saxafiyiinta ayna taageeraan doorkooda ku aadan horumarinta dimuqraadiyada iyo horumarka. Tani waxay imaanaysaa iyadoo xirfadlayaasha warbaahinta ay weli la kulmayaan hanjabaado, xarig iyo rabshado meelo badan oo Afrika ka mid ah.
Intii lagu guda jiray kulan ka dhacay magaalada Nairobi oo lagu xusayay maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka ee shalay, ayaa guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo ammaanka, Bankole Adeoye, waxaa uu sheegay in ay waajib tahay in la dammaanad qaado badqabka iyo xorriyadda suxufiyiinta.
Waxaa uu xusay in ilaalinta xorriyadahaasi ay lama huraan u tahay kobaca dimuqraadiyadda Afrika.
Adeoye ayaa sidoo kale ka codsatay isticmaalayaasha dhijitaalka ah inay xaqiijiyaan macluumaadka ay helaan si looga fogaado faafinta beenta.
Waxaa uu xusay in saxaafadda ay muhiim u tahay qaabeynta waddada Afrika ee horumarka iyo nabadda.
Midowga Afrika ayaa munaasabadda Nairobi u adeegsaday daah-furka barnaamijkeeda Dimuqraadiyadda, Warbaahinta iyo Is-dhexgalka Bulshada, oo ujeeddadiisu tahay in lagu dhiirrigeliyo xornimada warbixinta ah iyo mas’uuliyadda lay leedahay iyadoo la taageerayo dadaallada lagu xoojinayo maamulka gobolka oo dhan.
Adeooye ayaa sheegay in saxaafadda ay door weyn ka qaadato wargelinta iyo wacyi gelinta muwaadiniinta arrimaha saameeya noloshooda iyo fayoqabkooda. Waxaa uu tilmaamay in saxafiyiinta xilkasnimada iyo akhlaaqda leh ay maanta ka sii muhiimsan yihiin, marka la eego baaxadda ballaaran ee aaladaha dhijitaalka ah iyo kor u kaca waxyaabaha aan la hubin.
Waxaa uu intaa ku daray in saxaafadda anshaxa ay muhiim u tahay bulshooyinka soo wajaha kala qaybsanaanta iyo colaadaha, halkaas oo wararka khaldan iyo hadalada nacaybka ay si degdeg ah u faafi karaan dhibaatona u geysan karaan.
Munaasabadda sanadkan ayaa waxa ay xambaarsanayd hal ku dheg, “Ka warbixinta Geesinimada Cusub ee Adduunka: Saamaynta Garaadka Macmalka ee Xorriyadda Saxaafadda iyo Warbaahinta.” Waxay diiradda saartay sida sirdoonka macmalka uu gacan uga geysan karo hagaajinta warbixinta iyada oo sidoo kale soo bandhigaysa khataro cusub, sida algorithms-ka eexda, macluumaadka kala-baxa, hadalka nacaybka iyo been-abuurka qoto dheer.
Xoghayaha guud ee ururka saxafiyiinta Kenya KUJ Erick Oduor ayaa sheegay in munaasabadan ay tahay mid dib loogu eegayo guulihii laga gaaray xoriyada saxafada iyo dhibaatooyinka wali haysta saxafiyiinta.