Guddiga waxbarashada ee barlamaanka oo su’aalo laga weydiyay sababta ay u diideen dhalacsiinta macalimiinta

0
366

Guddiga Waxbarashada ee barlamaanka dalka ayaa loogu baaqay inuu sharaxaad ka bixiyo sababta ka dambeysa go’aanka ay ku diideen dalacsiinta dhowaan loo sameeyay in ka badan 25,000 oo macalin ah.
Guddiga ay ku midaysan yihiin barayaasha waxbarashada aasaasiga ah ee Kenya ee KUPPET oo ay hoggaamiyo xoghayaha guud ee Laanteeda ismaamulka Vihiga Sabala Inyeni ayaa waxaa ay ku eedeeysay Guddiga Waxbarashada inay go’aan cadaalad darro ah ka gaareen iyo inay ku takri faleen waajibaadkooda shaqo oo ay faragelin dheeraad ah ku hayaan madax-bannaanida xirfadeed ee Guddiga Adeegga Macallimiinta (TSC).
Inyeni oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in tallabadaasi ay tahay mid sharci darro ah oo dhaawaceysa niyadda iyo horumarka shaqo ee macalimiinta dalka oo dhan.
Tani ayaa waxaa ay ku soo beegantay wax ka yar toddobaad ka dib markii madaxa fulinta ee TSC Nancy Mcharia ay ku dhawaaqday dalacsiinta 25,252 macalimiin ah oo dalka oo dhan ayna una gudbisay liiska macalimiinta guddiga waxbarashada si ay dib u eegis ugu sameeyaan.
Xildhibaanada ayaa soo bandhigay su’aalo la xiriira cadaalada qaabka loo soo xulayo iyo sida gobolada loogu qeybiyay shaqsiyaadka la dalacsiiyay.
Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha KUPPET ee Vihiga ayaa ku eedeyay mudanayaasha baarlamaanka inay u adeegsadaan qoritaanka macalimiinta iyo dalacsiinta si ay u helaan masaafada siyaasadeed ka hor doorashooyinka mustaqbalka.