Ururrada bulshada oo dalbanaya in dabagal lagu sameeyo lacagaha loo isticmaalay BBI

0
390

Ururrada rayidka ee dalka ayaa dalbanaya in la sameeyo baaritaano dhanka hanti dhowrka ah oo la xiriira dhaqaalaha ay dowladda dhexe ku bixisay hannaanka sharci beddelka ee BBI.
Tani ayaa timid ka dib markii maxkamadda wadanka ay 13-kii bishan waxba kama jiraan ka soo qaaday geeddisocodkan.
Kooxaha u ololeeya arrimaha bulshada ayaa sheegay in xafiiska hanti dhowraha guud ee Kenya laga doonayo inuu dabagal ku sameeyo qiimaha lacageed ee ilaa iyo hadda ku baxay howshan.
Ururadan ayaa carrabka ku adkeeyay in maaadaama maxkamadda sare ay burisay nidaamka sharci beddelka ay khasab tahay in lala xisaabtamo cid kasta oo ku qarash gelisay kheyraadka dadweynaha.
Ilaa 15 ah ururrada rayidka ee ka howlgalo gudaha wadanka ayaa ku talinaya in tallaabo sharciyeed laga qaado cidii ay ku cadaato in ay ku takriifashay dhaqaalaha wadanka.