Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa gelinkii dambe ee shalay furay dekedda Lamu.
Waxaa uu sheegay in qaybaha kale la furi doono dhamaadka sanadkan.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in dekedda ka faa’iideysan doonaan oo ay xiriirneysa Kenya ilaa dalalka Koonfurta Suudan, Itoobiya iyo Bartamaha Afrika.
Dekedda labaad ee ganacsiga ayaa shalay sido kale heshay markabkii ugu horreeyay, taasi oo u ah tallaabo wanaagsan ah.