Ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada Booliska dalka Eliud Lagat ayaa soo saaray amar 24 saac ah oo loogu talagalay shaqsiyaadka haysta hubka sharci darrada ah ee u sugan aagga Tot ee dooxada Kerio si ay isugu soo dhiibaan laamaha ammaanka.
Amarkan ayaa lagu xoojinaya howlgallada amniga si gacanta loogu soo dhigo kooxaha dambiilayaasha ah ee wax u dhimaya nabadda aagga Gobolka Rifty Valley.
Mr Lagat waxa kale oo uu hakiyay dhammaan shirarkii nabad-galyada deegaanka ee ay wadeen odayaasha tuulada si ay saraakiisha booliiska ugu oggolaadaan in ay si hufan u fuliyaan hawlgallada amniga.
Awaamiirtan ayuu soo saarey xili uu booqday deegaanka Tot ka dib markii ay sare u kaceen dambiyada la xiriira burcadnimada.
Intii lagu guda jiray booqashadiisa, Lagat waxa uu kulan amniga la qaatay wakiilo ka kala socday Dooxada Kerio, Pokot Central iyo Tiaty West.
Waxa uu xusay in saddexdii toddobaad ee u dambeeyay ay sare u kaceen falal dambiyeedyada oo ay dad yarna ku dhinteen.
Taliye ku xigeenka Booliiska ayaa ka codsaday bulshada in ay kala shaqeeyaan saraakiisha sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dambiilayaasha looga shakisan yahay falalka burcadnimada ah.
Afar qof oo ay ku jiraan labo arday ayaa dhawaan lagu dilay labo weerar oo burcad ah oo ka kala dhacay dowlad deegaanada kala ah Elgeyo Marakwet iyo Baringo.