Maxkamadda sare oo laashay dacwad uu gudbiyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka

0
988

Maxkamadda sare ee dalka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday dacwad uu gudbiyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka waddanka Kimani Ichung’wah.
Waxaa uu doonayay in la joojiyo dhageysiga kiis isaga ka dhan ah oo uu maxkamadda geeyay qareenka lagu magacaabo Danstan Omari.
Garyaqaanka ayaa dacwadda ku sheegay in Kimani uu dhaawacay sumcadiisa.
Garsoore Thripsisa Cherere ayaa sheegtay in xildhibaanka uunan caddeyn sida dacwadda ka dhanka ah oo sii socoto ay dhibaato uga soo gaari karto.
Waxay sidoo kale ku amartay inuu bixiyo qarashaadka Danstan Omari uga baxay geeddisocodka dacwadda.