Trump oo digniintii ugu dambeysay siiyay Xamaas

0
518

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ururka Xamaas ee dalka Falastiin siiyay waxa uu ku tilmaamay digniintii ugu dambeysay ee ay ku soo siidaynayaan Israa’iiliyiinta ugu xiran Qaza.
Sidoo kale , waxaa uu hoggaamiyaasha Xamaas ka dalbaday in ay ka baxaan Marinka Qaza.
Waxay hanjabaaddan imaanaysa iyadoo uu Maraykanka markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1997-dii xaqiijiyay inuu wada hadal toos ah la yeeshay Xamaas .
Trump ayaa horay u sheegay inuu damacsan yahay in meesha laga saaro Falastiiniyiinta ku sugan Qaza oo la geeyo dalal kale oo deegaamayn looga sameynaya taasi oo abuurtay hadal hayn ballaaran waxaana arrintan si wayn uga soo horjeestay dowladaha islaamka.