2 qof oo lagu dilay colaada Transmara

0
251

Laba qof ayaa lagu dilay halka 20 kalana lagu dhaawacay iska horimaadyada ka soo cusboonaday xadka Trasmara iyo Kisii.
Rabshadahan oo sida la sheegay ay ka dhasheen xiisado colaadeed oo dhaca loโ€™da ah, ayaa sababay in ay baabaโ€™aan tobanaan hektar oo beero qawaaxa ah, kuwaasi oo la gubay.
Si kastaba ha ahaatee, odayaasha beesha ayaa ku doodaya in iska hor imaadka uu ahaa mid ay ka danbeeyeen canaasiir aan loo meel dayin oo la sheegay inaysan xiriir la laxeen dadka dhaca loo geestay.
Dadka deegaanka, ayaa ka soo horjesteen sheegashada Odayaasha, waxaa ayna ku eedeeyeen inay ka gaabiyeen soo celinta xoolihii laga dhacay, taasoo ay sheegeen inay weli tahay sababta koowaad ee dagaalka.
Xiisadan oo sii xoogeysatay ayaa sababtay in albaabada loo laabo Iskuuladii ku yaalay deegaankaasi, iyadoo dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan inuu sii xoogeysto dagaalka.