Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan ku sheegay inuu ka war helay in mid ka mid ah saraakiishii ay Kenya gaysay waddanka Haiti uu halkaasi ku geeriyooday ka dib dhaawac la gaarsiiyay.
Waxaa uu ka mid ahaa ciidamada fulinaya howlgalka nabad sugidda ee MSS.
NPS ayaa xustay in 23-kii bishan Labaad, ciidamada oo roondooyin sameynaya in ay soo weerartay burcad.
Sarkaalka oo dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaalka oo uu ku geeriyooday.
Afhayeenka adeegga qaran ee booliiska Mr. Muchiri Nyaga ayaa sheegay in la wargeliyay qoyska askariga ku dhintay Haiti oo ayna tacsi u dirayaan iyagoo xilligan adag la murogoonaya.
Howlgalka MSS oo kaashanaya ciidamada qaran ee booliiska dalka Haiti ee HNP ayaa ku dadaalaya dib u soo celinta xasilloonida iyo nidaamkii maamulka ee waddankaasi.
Muchiri ayaa xusay in ay bogaadinayaan saraakiisha ammaanka ee xoogga saaraya sidii looga adkaan lahaa kooxaha hubeysan ee ka dagaallamaya Haiti.