Afhayeenka Madaxweynaha Jahmuuriyada Dimuqraadiga ee Congo ee DRC Felix Tshisekedi ayaa sheegay in uu billaabi doona dowlad lagu mideysan yahay.
Tshisekedi ayaa wajahaya cadaadis gudaha ah oo ku saabsan sida uu u maareeyay weerarka fallaagada M23 ee Rwanda ay taageerto ee gobollada bari.
Qabsashada M23 ee dhulalka bariga Congo iyo kaydka macdanta qaaliga ah ayaa sii kordhisay cabsida laga qabo dagaal ballaran, waxaa ayna kicisay qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka oo si cad u saadaaliyay in aanu madaxweynenimadiisa sii waari doonin.
Tshisekedi ayaa shalay shir uu la yeeshay xubnaha isbaheysiga talada dalkaas hayo ee Sacred Union ka sheegay in aan lagu mashquulin khilaafyada gudaha.
Waxaa uu ku boorriyay in ay is garabsadaan oo ay cadowga iska dhiciyaan.
Afhayeenka madaxtooyada Congo , Tina Salama ayaa sheegtay in Tshisekedi uu soo dhisi doono dowlad midnimo qaran isla markaana uu isbeddel ku sameyn doono hoggaanka isbaheysiga, iyada oo aan bixin faahfaahin dheeri ah.
Tan iyo billowgii sanadkan, Congo ayaa wajahday khasaare isdaba joog ah oo ka dhacay waqooyiga iyo koonfurta Kivu, taasoo sii hurisay dhalleeceynta istiraatiijiyadda militari ee maamulka hoggaamiyo dalkaasi.