Warsaxaafadeed ka soo baxay saaka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Federaalka iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM ay howlgal ka fuliyeen gudaha Puntland
Howlgal duqeymo ah oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu bartilmaameedsaday kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaya Buuralayda Caal-miskaad ee gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Howlgalka duqeymaha ah oo si guul ah ay u fuliyeen Ciidanka Mareykanka oo la shaqeynayaa Hay’adaha Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa ay dhaceen fiidkii 21-kii Febraayo iyo shalay 22-ka Febraayo 2025, waxaana lagu taageerayay howlgalka Ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan haraadiga Daacish.
Qiimeynta hore ee howlgalka ayaa muujineya in 3 xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeymaha, mana jiro wax dhibaato ah oo gaaray rayidka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Taliska AFRICOM ayaa sii wadi doontaa qiimeynta natiijooyinka howlgalkaasi, oo wali socda.