DHAGEYSO:Haweenka Soomaaliyeed oo ku baaqay in doorasho nabad ah la qabto

0
575

Kulan ay Maanta Magaalada Muqdisho isugu yimaadeen Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxay ka soo saareen Baaqa Ku aadan in Shirka Wada Tashiga Doorashada ee D/Federaalka M/Gobleedyada iyo Gobolka Banaadir ee berri ka Furmayo Muqdisho uu noqdo mid lagu heshiiyo oo laga saaro wax kasta oo lagu kala aragti duwan yahay.
Haweenka Maanta Kulanka ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay ugu baaqeen dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya inay dalka u jiheeyaan Doorasho Saldhigeedu yahay Hirgelinta Heshiiska 17-kii September ee sanadkii hore iyo is afgaradkii 16 /15 ee bishii Labaad ee sanadkan ee Baydhabo ka dhacay si dalku nabad doorasho ugu aado.

Dhanka kale Daahir Maxamuud Geelle oo ah Afhayeenka Midowga Musharraxiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay tahay in shirka wadatashiga Madaxda dowlada dhexe iyo Maamulada ay ka qayb Galaan Musharraxiinta

Diyaar-garowgii ugu danbeeyay ee ku aadan shirka wada tashiga Arimaha Doorashooyinka Soomaaliya ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka & Madaxda Maamul goboleedyadda oo lagu balansan yahay inuubari ka furmo Magaaladda Muqdisho ayaa laga dareemayaa Caasimada Soomaaliya.
Guddiyadda farsamada oo maalmihii u danbeeyey ku hawlanaa diyaarinta shirwaynaha Qaran ee Arimaha Doorashooyinka ayaa intoodii badnayn soo gaba gabeeyey hawlihii ay wadeen.
Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in magaaladda Muqdisho ay gaaraan madaxda Maamul Goboleedyadda ee ka Qeyb galaya shirkan oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17 September lagu gaaray magaalada Muqdisho ee Doorashada lagu jiheeyay.