Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Sabtidii dalbaday in la ixtiraamo “midnimada dhuleed” ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo lagana fogaado dagaal goboleed.
Hadalkan ayuu ka jeediyay shir madaxeedka madaxda Afrika maalin un ka dib markii dagaalyahannada M23 oo ay taageerto Rwanda ay qabsadeen caasimadda labaad ee DRC.
Iyadoo uu sii kordhaya cadaadiska caalamiga ah ee lagu saarayo Rwanda si ay u xakameyso dagaallada ka socda bariga DRC ayaa waxaa lagu waday in colaadda inta badan diiradda lagu saaro shir madaxeedka Midowga Afrika, kaasoo subaxnimadii Sabtida ka furmay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa la arkayay isaga oo ka qeyb galaya shirar dooceedka ka dhacay goobta.
Balse madaxweynaha Congo Felix Tshisekedi ayaa ka maqnaa shirka iyadoo dagaalyahannada fallaagada M23 ay dhul badan qabsadeen.
Guterres ayaa dhinacyada ku boorriyay wada hadal, isagoo sheegay in xiisadda gobolka awgeed ay tahay in laga fogaado xal kasta oo militari.
Dhinaca kale Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa bartiisa X ku sheegay in uu la hadlay Tshisekedi isagoo xusay baahida loo qabo in Rwanda ay taageerto tillaabooyin degdeg ah oo ay ku jiraan ka bixitaanka M23 ee Bukavu iyo xabbad joojin.