Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in la soo afjaraya heshiiskii xabbad joojinta ee ay la galeen ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Waxaa uu Xamaas u qabtay ugu dambeyn 12-ka duhurnimo ee Sabtida soo socoto si ay u siidayso maxaabiista u dhashay Israa’iil ee ugu xiran Qaza.
Netanyahu ayaa intaasi ku daray in haddii aan sidan la sameyn in ay dib u billaabayaan duullaankii militari.
Waxaa uu shaaciyay inuu ciidamada militariga ee Israa’iil ku amray in ay isku uruursadaan gudaha iyo agagaarka Qaza si looga jawaabo hadalkii Xamaas ee ahaa in ay dib u sii dhigaysa siideynta maxaabiista Israa’iiliyiinta ah ilaa amar dambe.
Xamaas ayaa dhankeeda Israa’iil ku eedeysay in ay ku xadgudubtay heshiiskii xabbad joojinta iyadoo is hor taagtay bixinta gargaarka baniaadannimo in kastoo ay Israa’iil iska fogeysay eedeyntaasi.