Sh Shariif oo ku baaqay in fursad la siiyo Rw Rooble kana hadlay shirka berri

0
425

Madaxwweynihii hore ee dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmad ayaa Bogaadiyay dadaallada uu wado Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ee ku aadan arrimaha doorashooyinka iyo agaasinkooda.
Waxaa uu ku baaqay in shirka loo balansan yahay berri xoogga lagu saaro sidii dalka uu doorasho deg deg ah ku aadi lahaa.
Waxaa uu intaa ku daray inuu kalsooni buuxda ku qaba dadaallada socda ee xal u helidda arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble, uuna aaminsan yahay in R/Wasaaraha lasiiyo fursad uu ku guto mas’uuliyadda weyn ee laga sugayo ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.
Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa guul ka rajeeyay shirka arrimaha doorashooyinka ee loo balan san yahay 20 bishaan oo Berri ku beegan.
Wuxuuna Tilmaamay inuu yahay shir ay dhamaman bulshada Soomaaliyeed iyo beesha Caalamkuba ka dhursugayaan inuu soo afmeeri doonno khilaafaadkii iyo kala aragti duwanaashahii hareeyay qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah,isan uu guul ka rajaynayo.
C/kariim Guuleed wuxuu rajo wanaagsan ka Muujiyay in dadaalada Raisuwasare Rooble iyo xukuumaddiisa ee ku aadan najaxinta shirkaas iyo qabashada doorasho hufan ay mirro dhalaan, isagoo dhicyada kalena ku boorinayay in la muujiyo dabacsanaan iyo tanaasul suurto galin kara qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah laguna kalsoonaan karo hufnaanteeda.