Israa’iil oo duqeymo ka wado Qaza

0
423

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa aroornimadii hore ee maanta duqeymo ka gaystay marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Warbaahinta maxalliga ayaa ku warramaysa in la dilay ugu yaraan 4 qof oo Falastiin u dhashay.
Sidoo kale waxaa la burburiyay guriyo dhowr ah.
Duullaanka Israa’iil ay waday in ka badan hal toddobaad waxaa ilaa iyo hadda ku dhintay ugu yaraan 220 qof oo 63 ka mid ah ay carruur yihiin.
Sidoo kale waxaa weerarrada ku dhaawacmay 1,500 qof oo dheeraad ah.
Israa’iil dhankeeda waxaa laga dilay 12 qof oo labo ka mid ah ay carruur yihiin halka in ka badan 300 laga dhaawacay.