Saraakiisha dalka Nigeria ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 17 carruur ah ay ku nafwaayeen dab ka kacay dugsi islaami ah oo ku yaalla Waqooyiga waddankaasi.
Waxaa dhacdadaasi ku dhaawacmay dhowr kale oo la geeyay xarumaha caafimaadka ee magaalada Kauran Namoda ee gobolka Zamfara si loo daaweeyo.
Maamullada ayaa hadda baaraya sababtii keentay in xaruntaasi ay gubato.
Afhayeenka booliiska,Yazid Abubakar ayaa sheegay in galinkii dambe ee shalay la aasay carruurta geeriyootay.