Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa xilli uu yimid xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi waxaa uu wacad ku maray inuu garab siin doono maalgashatada guriyaha dhisa ee waddanka si loo sii ballaariyo maalgashigooda.
Mr.Odinga ayaa ballan qaaday inuu arrintan ka dhabeyn doono haddii uu ku guulaysto xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee (AUC) oo uu u tartamaya.
Waxaa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta waaxyaha gaarka ah gaar ahaan ka qayb qaadashadooda kobaca dhaqaale.
Xilli uu tagay xarunta ganacsiga ee BBS ee xaafadda Islii ayuu Raila Odinga sheegay in ay jiraan fursado waawayn oo maalgashatada gaarka ah uga bannaan qaaradda Afrika.