IPOA oo sheegtay in aynan baari karin dhacdooyinkii afduubka ee la soo tabiyay

0
371

Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee (IPOA) ayaa sheegay in uunan baaritaan ku sameyn karin dhacdooyinkii afduubka ee sanadkii hore laga soo tabiyay gudaha waddanka.
Guddoomiyaha IPOA Axmad Issaq Xasan ayaa sheegay in kastoo kenyaanka ay ciidamada booliiska ku tuhmayaan in ay afduubyada gaysteen haddana in taliyaha guud ee booliiska Douglas Kanja uu eedeyntaasi gaashaanka u daruuray.
Waxaa uu xusay in sidaasi awgeed maamulka IPOA uunan baaritaan guda geli karin ilaa ay booliiska ka qiranayaan in qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ay falalkan ku lug lahaayeen.