Guddiga cusub ee dowladda Tanzania ay u xilsaartay la tacaalidda cudurka COVID19 ayaa soo jeediyay in dib loo billaabo soo bandhigidda xogta caabuqa corona ee wadankaas.
13 billood ka hor ayay ahayd markii Tanzania ay joojisay in ay faahfaahin maalinla ah ka bixiso faafidda fayraska.
Bishii Afaraad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ugu dambeysay oo Tanzania ay soo gudbisay xog ku saabsan cudurka.
Waxay xilligaasi sheegtay in xaaladaha cudurka ay yihiin 509 halka dhimashaduna ay tahay 16 qof.