Shacabka Argentina oo dhigay dibadbax ay ku taageerayaan Falastiin

0
457

Shacabka dalka Argentina ayaa isku soo baxay waddooyinka iyaga oo muujinaya sida ay uga xun yihiin duqeymaha Israa’iil ay ka waddo Qaza iyo daanta galbeed.
Waxay siteen boorar ay ku qoran yihiin in ay ka soo horjeedaan xasuuqa falastiiniyiinta sidoo kalena ay garab taagan yihiin muwaadiniinta gantaallada lagu garaacaya.
Dibadbaxayaasha ayaa ku baaqay in la qaadaco Israa’iil.
Dowladda Argentina ayay u soo jeediyeen in ay xiriirka u jarto Israa’iil.