11 qof oo u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo wariyeyaal ka howlgala idaacadaha magaalada Mombasa ayaa la sii daayay ka dib markii ay xalay ku hoydeen xabsiga booliiska.
Dadkan ayaa dibad bax nabadeed ku sameeyay bannaanka hore ee saldhigga dhexe ee ismaamulka Mombasa ka dib markii la sii daayay iyaga oo ku eedeeyay booliiska in ay soo weerareen.
Guddoomiyaha Bulshada Rayidka ee Xeebta Zedekiah Adika ayaa sheegay inay hor geeyni doonaan arrintan la xiriirta xarigooda maxkamadda maanta oo Isniin ah.