Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee (DRC) ayaa sheegtay in ay xiriirka dibloomaasiyadeed u jaraysa Rwanda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC uu ku baaqay kulan degdeg ah.
Waxaa dhanka kale sii xoogeysanaya dagaalka u dhexeeya ciidamada militariga ee DRC iyo kooxda hubeysan ee M23.
Congo iyo qaramada midoobay ayaa dowladda Rwanda ku eedeyay in ay taageerto kooxda M23 oo ay hub siiso in kastoo xukuumadda Kigali ay taasi iska fogeysay.