Dowladda kenya oo sheegtay in la xallin doono daadadka ku soo noqnoqday Budalang’i

0
533

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay xal u helidda saameynta fatahadda ee ku soo noqnoqotay deegaan baarlamaneedka Budalang’I ee ismaamulka Busia.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay ugu yaraan 130 milyan oo shilin ku qarash gelinaysa dhisidda gidaar la doonaya in looga hor tago in biyaha webiga aynan ku fatahin meelaha joog ahaan hooseeya.
William Ruto ayaa xusay in dowladda iyo bangiga adduunka oo is kaashanaya ay 4 bilyan oo shilin ku bixiyeen wajiga koowaad ee ka hor tagga daadadka ee deegaanka Budalang’i .