DHAGEYSO: Siyaasiyiinta Waqooyi Bari oo ku baaqay nabadgalyo

0
427

Dalladda ay ku mideysan yihiin xildhibaannada baarlamaanka ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa dhaliilay qaabka loo qaybsado dakhliga qaran.
Mas’uuliyiintan ayaa ku baaqay in la kordhiyo miisaaniyadda dhaqaale ee loo qoondeeyo meelaha horay lagu gacan bidixeeyay dhanka horumarka.
Siyaasiyiintan oo uu ka mid yahay xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Kaynaan ayaa guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee (CRA) ka dalbaday inuu dib u eegis ku sameeyo hannaan lagu qaybsanaya dakhliga qaran si loo xaqiijiyo in ay sinnaan jirto.
Waxaa ay dhanka kale ku baaqeen in lagu dadaalo nabadgalyada iyagoo dhallinyarada ku boorriyay in ay ka fogaadaan shaqaaqooyinka.