DHAGEYSO:Maxkamadda sare oo hor istaagtay dhaarinta barasaabka cusub ee Wajeer

0
841

Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Meru waxaa ay hor istaagtay go’aankii aqalka sare uu xalay ku ayiday xilka qaadistii golaha hoose ee Wajeer ay ku sameyeen Maxamad Cabdi Maxamuud.
Waxay sidoo kale soo saartay amar ku meel gaar ah oo lagu hor istaagaya in jagada guddoomiyaha Wajeer loo dhaariyo oo uu la wareego barasaab ku xigeenka Axmad Cali Mukhtaar.
Maxkamadda ayaa arrimahan hakisay ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dacwad racfaan ah oo ay gudbiyeen qareenada Maxamad Cabdi matalaya.
Ndegwa Njiru, oo ka mid ah qareenada barasaabkii Wajeer ee xilkiisa lumiyay ayaa warbaahinta u warramay

Hasa ahaate waxaa  saacado ka hor   xilka  barasaabka Wajeer loo dhaariyay  ku xigeenkiisi  Axmad Cali.