DHAGEYSO:Guddoomiyaha cusub ee Wajeer oo la dhaariyay

0
566

Waxaa xilka barasaabka ismaamulka Wajeer maanta loo dhaariyay Axmad Cali Mukhtaar oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Maxamad Cabdi Maxamuud oo jagadaasi laga qaaday.
Xafladda dhaarinta ayaa ka dhacday magaalada Wajeer waxaa uuna barasaabka xilka la wareegay ballanqaaday inuu shacabka ugu adeegi doono si hufan oo aan eexasho iyo nin jecleysi lahayn sidoo kalena waafaqsan dastuurka dalka.
Wakiil wareedka warbaahinta Star ee Wajeer Cabdiraxmaan Mucaawiye ayaa Mowlid Maxamad Shuuriye uga warramay sida ay u dhacday xafladda dhaarinta iyo nuxurka khudbadda guddoomiyaha cusub ee ismaamulkaas

Tallaabada uu xilka guddoomiyanimo ee Wajeer maanta kula wareegay ayaa timid ka dib markii xilka qaadis lagu sameeyay Maxamad Cabdi Maxamuud oo lagu helay dambi ah inuu ku xadgudbay dastuurka dalka.