Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Kuuriyada Koonfureed oo xabsiga loo taxaabay

0
403

Dambi baarayaasha Kuuriyada Koonfureed ayaa xabsiga u taxaabay madaxweynihii xilka laga xayuubiyay ee dalkaasi Yoon Suk-yeol.
Yoon ayaa lagu eedeeyay kacdoon ka dhan ah maamulka dowladeed.
Tani ayaa timid ka dib markii dabayaaqadii sanadkii hore uu ku dhawaaqay amar awood buuxda siinaya ciidamada difaaca.
Hoggaamiyaha hore ayaa la soo xiray abaare 10:33 daqiiqo ee barqanimo ee saacadda dalkaasi.
Farriin muuqaal ah oo horay loo duubay oo la siidaayay ka dib markii la xiray ayuu Yoon ku sheegay inuu qaatay go’aanka ah in uu ka jawaabo su’aallo la xiriira iskudaygiisii amarka militari ee fashilmay si uu uga hortaggo dhiig daata.
Dambi baarayaasha Kuuriyada Koonfureed iyo booliiska ayaa isticmaalay jaraanjaro si ay u koraan dhismaha Yoon ka dib markii hore laga xannibay gelitaanka gurigaasi sida wararka ay sheegeen.
Kumanaan qof, oo ay ku jiraan taageereyaal, ayaa isugu soo baxay bannaanka guriga Yoon, halka koox sharci yaqaanno ah oo ka tirsan xisbiga ka taliyo dalkaasi ee People Power Party iyo qareennada Yoon ay sidoo kale isku dayeen inay ka hortagaan in la xiro madaxweynihii waddankaasi Yoon Suk Yeol.
Yoon ayaa la geeyay xafiiska baarista musuqmaasuqa ee saraakiisha darajooyinka sare ee magaalada Gwacheon.