Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay shir socday labo cisho oo looga hadlayay amniga xuduudda.
Waxaa kulanka uu u dhexeyay hoggaamiyaasha siyaasadeed ee Mandera, saraakiisha amniga iyo maamulka soonaha Daawa iyo Liban ee dalka Itoobiya.
Mr. Roba ayaa xusay in markii ugu horreysay ismaamulka Mandera iyo maamulka degmooyinka ka xiga dhanka Itoobiya ay ka wada hadleen arrimaha nabad galyada.
Shirka waxaa ka soo baxay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in laamaha ammaanka ee Kenya iyo Itoobiya ay gacanta ku soo dhigaan shakhsiyaadka ka dambeeyay dilal dhawaan dhacay si tallaabo sharciyeed looga qaado dambiilayaasha.
Labada dhinac waxay isku afgarteen in dadka gaysta falal dambiyeedyada aynan cidna matalin sidaasina loo aqoonsado oo lagula xisaabtamo.
Maamullada dalka Itoobiya in ay soo qaban qaabiyaan shir nabadeed u dhexeya beelaha wada dega Daawa iyo Liban oo dib laga soo sheegi doono taariikhda uu kulanka qabsoomaya.
Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in labada dal ay ka wada shaqeyaan xoojinta amniga xuduudda.
Saraakiisha ammaanka ayaa isku afgartay in ay wadagaan xogta sirdoonka ee arrimaha nabadgalyada.
Guddoomiyaha Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa xusay in madaxda ay ku heshiiyeen in ay qabtaan kulamo joogto ah oo lagu xoojinaya isdhex galka iyo wadajirka bulshooyinka wada nool.
Ugu dambeyn bulshooyinka ku nool xuduudda ay wadagaan Kenya iyo Itoobiya ayaa laga codsaday in ay laamaha ammaanka u soo gudbiyaan xogaha ku saabsan wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida guud.