DHAGEYSO:Xildhibaanadda Aldai oo Muturi ugu baaqday inuu is casilo

0
330

Xildhibaanadda deegaan baarlamaneedka Aldai ee ismaamulka Nandi Marianne Kitany ayaa wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Justin Muturi ka dalbatay inuu is casilo.
Waxay sheegtay in markii uu ahaa xeer ilaaliyaha guud ee qaranka 6 bilood ka hor ee la afduubtay wiilkiisa laga doonayay inuu warbixin u gudbiyo booliiska.
Dhawaan ayay ahayd markii Muturi uu qabtay shir jaraaid oo uu dhacdadaasi uga hadlay isagoo ku baaqay wada xaajood qaran oo looga arrinsanaya dhacdooyinka afduubyada ee la soo tabiyay.
Hasa ahaate, xildhibaanadda ayaa hoosta ka xarriiqday inuu ka gaabiyay waajibaad saarnaa sidaasi awgeedna ay ka dalbanaysa inuu is casilo haddii kale ay baarlamaanka u gudbin doonto mooshin ka dhan ah.