Dowladda oo 28 bilyan ku wanaajinaysa adeegga qaran ee booliiska ee NPS

0
287

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in dowladdu ay lacag dhan 28 bilyan oo shilin ku qarash gelinaysa wanaajinta tayada iyo waxqabadka adeegga qaran ee booliiska ee NPS.
Waxaa uu shaaciyay in sanadkan booliiska lagu wareejin doono 1,000 baabuur ah halka kuwa kalena dib laga keeni doono.
Murkomen ayaa xusay in qorshaha dowladda uu yahay in muddo labo sano gudaheeda ah ay hesho ilaa 3,000 oo baabuur casri ah oo ay ka mid yihiin kuwa gaashaaman ee aynan rasaatu karin.
Arrintan ayuu ka sheegay munaasabad duco ah oo uu uga qayb galayay machadka qaran ee booliiska ee deegaanka Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu ku celceliyay in dowladdu ay ka go’an tahay sidii adeegga NPS looga dhigi lahaa mid haysta qalab ku filan oo loo adeegsanaya sugidda amniga dalka.