Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya oo heshiis ku gaaray magaalada Addis Ababa

0
347

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa war-saxaafadeed wadajir ah ka soo saaray kulamadii gelinkii dambe ee shalay dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmad, ka dib safar uu Xasan Sheekh shalay ku tegay magaalada Addis Ababa.
Ugu horreyn bayaanka ayaa lagu xusay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax bannaanida labada dhinac, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in ergadooda diblomaasiyadeed ay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal.
Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka gobolka, kobcinta isfaham guud iyo horumarka la wadaago.
Sidoo kale, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii wadi lahaa, loona xoojin lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dal.
Ugu dambeyntii, waxay Xasan iyo Abiy sheegeen inay go’an tahay xaqiijinta baaqii Ankara, saaxiibtinimada iyo wadajirka labada dal.