Waxaa lagu soo warramaya in safiirrada Maraykanka , Ingiriiska iyo Jarmalka ku matalo Israa’iil ay ka qayb galeen mudaaharaad ka qabsoomay magaalada Tel Aviv.
Dibadbaxa oo ay soo qaban qaabiyeen ehellada dadka u xiran ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa lagu dalbanayay in maxaabiistan la soo siidaayo.
Danjiraha Maraykanka ee Israa’iil,Jack Lew ayaa sheegay in xukuumadda Washington ay ku dadaalaysa sidii wada hadallada socda loogu guulaysan lahaa.
Waxaa uu sheegay in haddii Xamaas ay siidayso maxaabiista , inuu dhaqangeli karo heshiis xabbad joojin ah.
Danjiraha boqortooyada Ingiriiska ee Israa’iil,Simon Walters ayaa dhankiisa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in nabadgalyada wax kasta loo huro iyadoo dhiggiisa Jarmalka u fadhiya Tel Aviv Steffen Seibert uu sheegay in sida keliya ee looga gudbi karo dhibaatooyinka ka taagan Qaza ay tahay in labada dhinac ay isku tanaasulaan.