Ciidamada amaanka oo Muqdisho koox burcad ah ku qabtay

0
465

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho ay gacanta ku dhigeen Koox Burcad ah oo xilliyada habeenkii dhac u geeysan jiray Shacabka deegaanka.
Howlgalka oo uu Hoggaaminayay Taliyaha Booliska degmada yaaqshiid ee gobolka Banaadir Jimcaale Macoow ayaa si gaar ah waxaa looga Fuliyay Xaafadda Wiif ee aagga Suuq Bacaad degmadda Yaaqshiid, dadka la qabtay ayaana gaarayaan 7 rag ah oo bustoolado ku hubeysan, kuwaasoo marar kala duwan lagu qabtay Goobo kale duwan.
Taliyaha Booliska degmada yaaqshiid ee gobolka Banaadir Jimcaale Macoow ayaa sheegay in shacabka Magaalada Muqdisho nabadooda ay ka Shaqeeynayaan, isla markaana aysan aqbaleyn in la dhibaateeyo.
Sidoo kale waxaa uu intaas ku daray inay sharciga la tiigsan doonaan ragga Burcadda ah ee Gacanta lagu dhigay,ayna sii socon doonaan howlgallada ka dhanka Kooxaha Burcadda ah oo dhibaato ku haayo Shacabka ku nool Xaafadaha degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa dadka ku nool Xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa xilliyada habeenkii dhac u geysan jiray Kooxo Burcad ah oo wata Mooto Bajaaj, waxaana taasi keentay in Shacabka xilliyada habeenkii aysan guryaha ka bixin Karin Cabsida ay Kooxahaan ka qabaan Awgeed.