DHAGEYSO:Qaar ka mid ah wakiillada Wajeer oo soo dhaweeyay xilka qaadistii Maxamad Cabdi

0
339

Qaar ka mid ah wakiillada Wajeer oo soo dhaweeyay xilka qaadistii Maxamad Cabdi
Qaar ka mid ah wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Wajeer ayaa soo dhaweeyay go’aankii xalay senatarrada aqalka sare ee dalka ay ku ayideen xilka qaadis bishii hore lagu sameeyay barasaabka dowlad deegaankaas.
Waxaa mooshinka ka dhanka ahaa Maxamad Cabdi Maxamuud codkooda ku taageeray 25 senatar , waxaa ka soo horjeestay labo halka afar ay ka aamuseen.
Tallaabada xilka looga xayuubiyay ayaa timid ka dib markii 27-kii bishii hore, 37 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee Wajeer ay u codeyeen inuu xafiiska baneeyo halka 10 ay mooshinkaasi ka soo hor jeesteen.
Waxa xigay in loo soo gudbiyay aqalka sare oo u saaray guddi gaar ah oo ka kooban 11 xubnood.
Maxamad Cabdi Maxamuud oo weli fursad u haysto inuu racfaan ka qaato go’aanka senate-ka ayaa xilkiisi waayay ka dib markii guddigan oo baaritaano sameynayay uu ku cadeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka dalka.
Wakiillada ayaa xilka qaadista guddoomiyaha Wajeer ku tilmaamay guul u soo hooyatay shacabka

Barasaabka ayaa xalay ka hor inta aan xilka laga qaadin senatarrada ka codsaday in ay arrinkan si baniaadanimo ay ku dheehan tahay u wajahaan oo ayna u naxariistaan balse taasi ayaan ugu dambeyn la tixgelin.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo uu ka qabtay dhanka caafimaadka.
Maxamad Cabdi ayaa xusay in mooshinka xilka guddoomiyanimo looga xayuubiyay uu yahay mid siyaasadeysan.
Waxaa uu noqonayaa barasaabkii ugu horreeyay ee xilka laga qaado gobolka waqooyi bari iyo midkii saddexaad guud ahaan dalka.
Waxaa horay eedeymo loo soo jeediyay oo ku saabsan musuqmaasuq, ku takriifal awoodeed iyo xadgudub dastuuri ah xilalkoodi ku waayay Mike Sonko iyo Ferdinand Waititu oo kala hoggaaminayay ismaamullada Nairobi iyo Kiambu.