Dowladda oo soo saartay lacagaha waayeellada

0
246

Wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka ayaa xaqiijisay in ay bixisay lacag dhan 3.5 bilyan oo shilin.
Miisaaniyaddan ayaa ah lacagihii ay bishii 12-aad ee sanadkii hore qaadan lahaayeen qaybaha nugul ee bulshada sida waayeellada,agoonta iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah ee iska diiwaangeliyay barnaamijka Inua Jamii.
Xoghayaha waaxda badbaadinta bulshada ee wasaaradda shaqaalaha ee waddanka Joseph Motari, ayaa sheegay in lacagahan ay ka faa’iidaysanayaan 1.7 milyan oo qof.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ruux kasta oo dadkan ka mid ah la siinaya 2,000 oo shilin.
Xoghayaha ayaa sheegay in dowladdu ay tijaabinaysa hannaan cusub oo lacagahan lagu bixinaya adeegga MPESA, iyadoo la isticmaalaya barta casriga ee laga helo adeegyada dowladda ee E-Citizen .
Waxaa tijaabadan laga sameynaya ismaamullada Murang’a iyo Marsabit.
Motari ayaa xusay in dowladdu ay ka go’an tahay sidii qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul ay xilliga habboon ku heli lahaayeen miisaaniyadda lagu taageero ee la daahfuray sanadkii 2018-kii.