Xildhibaanka Mathira oo ka codsaday DCI-da in ay baaritaan ku sameyso maqaaxida Olive Gardens

0
372

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Mathira ee ismaamulka Nyeri Eric Wamumbi ayaa warqad qoraal ah u diray waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Eric ayaa ka codsaday in baaritaan lagu sameeyo falal tuhun ah oo ka dhacay maqaaxida Olive Gardens ee magaalada Nairobi.
Hoteelkan ayaa lala xiriiriyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua.
Warqaddan oo uu Wamumbi u diray agaasimaha waaxda dambi baarista ee DCI-da Maxamad Ibraahim Aamiin ayuu walaac kaga muujiyay shirar uu ku andacoonaya in ay maqaaxidaasi ka qabsoomaan oo uu ku tilmaamay kuwo lagu qorsheeyo afduubyo been abuur ah si loo horseedo kicin dadweyne.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la baaro eedeeyntan u soo jeediyay si looga fogaado argagaxa aan loo baahnayn loona ilaaliyo kalsoonida shacabka.
Xildhibaanka oo muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladaha adag ee ay la tacaalayaan waalidiinta waayay carruurtooda ayaa dhanka kale u digay kooxaha doonaya inay faafiyaan warar khaldan ama hurinaya colaad.
Waxaa uu sidoo kale madaxweyne ku xigeenkii hore ee waddanka Rigathi Gachagua kula taliyay inuu joojiyo weerarka ka dhanka ah taliyaha guud ee booliiska dalka Douglas Kanja.
Baaqa mudanaha Mathira ayaa ku soo aadaya iyadoo walaac laga muujinaya afduubyadii dhawaan ka dhacay gudaha dalka in kastoo 5 ka mid ah 6 dhallinyaro oo la waayay la soo siidaayay.