Waxaa la xaqiijiyay in labo ruux ay ku dhinteen halka mid kalena uu ku dhaawacmay shil xalay fiidkii laga soo tabiyay buundada Siyapei Bridge oo masaafo dhan 9 kiilomitir dhanka bari uga beegan saldhigga booliiska ee Narok.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in shilka uu u dhexeeyay mooto iyo baabuur xamuul.
Waxay labaduba ka yimaadeen ismaamulka Narok iyagoo ku wajahnaa Mai Mahiu balse shilka ayaa dhacay xilli uu darawalka baabuurka isku dayay inuu ka hormaro mootada.
Waxaa isla goobta ku dhintay wadihii mootada oo 25 sano jir ahaa laguna magacaabo Leonard Ntoika Sanoe iyo rakaab 60 sano jir ah oo uu siday , Parsariro Sanoe.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu dhaawacmay qof kale oo rakaab ahaa oo 40 sano jir ah laguna magacaabo Muyani Ntaiya oo la geeyay isbitaalka wayn ee Narok si loo daaweeyo in kastoo aynan hadda xaaladiisa caafimaad liidan.
Meydadka labada ruux ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Narok wuxuuna qorshuhu yahay in qalliin baaritaan ah lagu sameeyo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wadihii baabuurka xamuulka uu goobta ka baxsaday oo ay hadda raadinayaan ciidamada ammaanka .