DHAGEYSO:Rigathi Gachagua oo ku gacan seyray dhaliil uga timid hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka

0
329

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa gaashaanka u daruuray hadal uu jeediyay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu Kimani Ichung’wah.
Waxaa uu Kimani Ichung’wah la xiriiriyay dhacdooyinka afduubka ee qaybo ka mid ah waddanka laga soo tabiyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka.
Hasa ahaate, Rigathi Gachagua ayaa sheegashadaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan.
Waxaa uu sheegay in hadalka uu xildhibaanka jeediyay ay yihiin kuwa marin habaabinaya bulshada.

Dhanka kale, barasaabka ismaamulka Trans Nzoia George Natembeya ayaa is fogeeyay eedeyn loo jeediyay.
Waxaa uu ku celceliyay in muddadii uu ahaa isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley ay ahayd mid ka baxsan fadeexado.