DHAGEYSO:Kimani Ichung’wah oo afduubyada la soo tabiyay la xiriiriyay Gachagua iyo barasaabka Trans Nzoia

0
351

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa la xiriiriyay dhacdooyinka afduubka ee qaybo ka mid ah waddanka laga soo tabiyay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua.
Ichung’wah ayaa sheegay in Gachagua uu soo abaabublay dhacdooyinka afduubka islamarkaana eeda uu dusha uga tuuray hoggaamiyaha dalka William Ruto.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ayaa dhanka kale ku gacan seyray eedeynta uu dowladda u jeediyay barasaabka ismaamulka Trans Nzoia George Natembeya.
Natembeya ayaa dowladda ku dhaliilay in ay ka dambeyso afduubyada ka dhanka ah dhallinyarada.
Kimani Ichung’wah ayaa ku eedeeyay in Natembeya uu la socday dilalkii iyo afduubyadii la soo tabiyay xilligii maamulkii hore ee Uhuru Kenyataa markaas oo uu ahaa isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley.
Waxaa uu sidoo kale ku eedeeyay barasaabka in uu wado siyaasad kala qaybsanaan iyo qabyaalad ku saleysan.