DHAGEYSO:Nin xaaskiisa ku gowracay Muqdisho si laga argagaxana u dilay

0
251

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, ka dib markii nin hubeysan uu gowracay xaaskiisa.
Eedeysanaha ah ee loo haysto falka ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamad Maxamuud, wuxuuna nafta dhaafiyay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Fowsiya Cali Xaaji Shirwac, taas oo ahayd hooyo u dhashay 5 carruur ah.
Goobjooge la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay dhacdadan, isagoo sheegay inay salka ku hayso hinaaso darteed, ama maseer uu qaaday ninka.
Waxaa uu intaasi ku daray in eedeysanaha gacanta lagu dhigay, isaga oo ku sugnaa guriga uu dilka ka gaystay oo ku yaalla agagaarka xarunta Baambeyda.

Cabdifataax Cali Xaji Shirwac oo ah da’da ka weyn marxuumadda Fowsiya Cali Xaji Shirwac ayaa sidoo kale faahfaahiyay sida ay wax u dhaceen.

Waxaa gacan ku dhiigalaha oo ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen uu u sheegay in gabadha iyo isaga uu soo kala dhexgalay murun, islamarkaana uu xakameyn waayay naftiisa.
Dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhashay murannada qoyska ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo qaybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, sanadkan sii dhamaanaya horraantiisa ayay ahayd markii magaalada Muqdisho nin dhalinayaro ahaa uu nolosha ku gubay xaaskiisii oo uur laheyd, kaas oo lagu magacaabo Sayid Cali Macallin Daa’uud oo dhowr bilood ka hor maxkamadaha dalka Soomaaliya ku xukumeen dil toogasho ah, hayeeshee ilaa hadda laguma fulin dilkii lagu xukumay.