DHAGEYSO:Muslimiinta oo loogu baaqay in ay ka faa’iidaystaan kulan diimeedka sanadlaha ah ee lagu qabto Nairobi

0
341

Waxaa maalinkii saddexaad magaalada Nairobi ka socdo kulan diimeedkii 7-aad ee ay soo qaban qaabiso dalladda Ansaarru Sunna.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galaya culimaaudiin ka kala yimid gudaha waddanka iyo daafaha caalamka oo uu ka mid yahay Dr. Zakir Naik.
Wasiirka wasaaradda deegaanka , kaymaha iyo isbeddelka cimillada ee dalka Aadan Barre Ducaale oo kulanka ka qayb galay ayaa bulshada muslimiinta ah ku boorriyay in ay ka faa’iidaystaan oo ayna dhaqangeliyaan waxyaabaha lala wadaagaya.
Sidoo kale waxaa uu waalidiinta soomaaliyeed ku boorriyay in ay xilli hore carruurtooda ku abaabiyaan dhaqamada islaamiga ah.
Wasiir Ducaale ayaa ku taliyay in laga fogaado waxyaabaha dhaawacaya sumcadda diinta islaamka isagoo soo jeediyay in baraha bulshada looga faa’iido siyaabaha wanaagsan.