Ciidamada militeriga Israa’iil ayaa weli sii wada duqeymaha ay ka fulinayaan gudaha Marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen xarunta ciidamada difaaca madaniga ee Falastiin ee magaalada Qaza iyo guri ku yaalla xerada qaxootiga ee Jabalia ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 2 qof halka sagaal kalena ay ku dhaawacmeen .
Dadka Masiixiyiinta ah ee ku nool magaalada Qaza ayaa u dabbaal degaya ciidooda Christmas-ka oo maanta ku beegan.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in ay sameynayaan duco ku aaddan joojinta dilalka, dhaawacyada iyo burburka ay Israa’iil ka wado Qaza.
Ra’iisul wasaaraha dalka Lubnaan Najib Mikati ayaa ugu baaqay guddiga dabagalka xabbad joojinta ee ay horkacayaan Maraykanka iyo Faransiiska in Israa’iil ay ku cadaadiyaan inay joojiso ku xadgudubka heshiiska ay kula jirto Xisbullah ayna ka baxdo Koonfurta waddankaasi.
Duullaanka Militari ay Israa’iil ka wado Marinka Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayaa lagu dilay ugu yaraan 45,338 qof halka lagu dhaawacay ugu yaraan 107,764 kale oo Falastiniyiin ah.