Garsoore Ouko oo ku baaqay in la soo celiyo kalsoonidii shacabka ee waaxda garsoorka

0
439

Garsoore William Ouko oo uu dhawaan madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta u magacaabay inuu ka mid noqdo xaakinada maxkamadda ugu sarreysa wadanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in dib loo soo celiyo kalsoonidii dadweynaha ay ku qabeen waaxda cadaaladda.
Waxaa uu xusay in ay lagama maarmaan tahay in ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka sare loo qaado sida ay shacabka ugu kalsoon yihiin garsoorka wadanka.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ay dhaliil u jeedinayaan waaxda cadaaladda oo ay sheegeen in qaar ka mid ah go’aamada ka soo baxo maxkamadaha ay u muuqdaan kuwo dad gaar ah loogu daneynaya.
Mr. Ouko ayaa buuxiyay jagadii uu bishii labaad ee sanadkii hore howlgabka ka noqday Jackton Ojwang .